Wargeyska caanka ee Daily Sabah ee ka soo baxa magaalladda Istanbul  ayaa qoray in Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan lagu wado inuu bisha soo socoto (April) booqasho ku yimaado magaalladda Muqdisho, si uu u furo Saldhigga ugu weyn ee ay Turkiga ku leeyihiin Caalamka.
Madaxweyne Erdogan waxaa Safarkiisa ku wehlin doona Taliyaha Milliteriga Turkiga, Kholousy Ascar si xarigga looga jaro Saldhigaasi oo lagu tababari doono Ciiddanka Qaranka Somalia, si loo xoojiyo Ammaanka, loogana taageero Deganaanshaha Somalia.
Wargeyska Daily Sabah ayaa qoray inay Ciiddamo Turkish tababari doonaan Ciiddanka Somalia iyo kuwo kale oo ka kala imaanaya dhowr Waddan oo Afrikaan ah.
Saldhiga Milliteri ee ay Turkiga ka dhisteen magaalladda Muqdisho ayaa la sheegay in lagu kharaj gareeyey 50-million oo Dollar, wuxuuna Saldhigu qaadi karaa in ka badan 1,000 Askari.
Waxaa kaloo Saldhigga ku yaalla 3 Dugsi Tababar Milliteri ah.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Saldhiga Milliteri dhaqso loo furi doono.
“Saldhigga Milliteri ee ugu weyn Turkiga ee Caalamka oo ku dhow inuu diyaar noqdo iyo Ciiddanka Somalia waxay sida ugu dhaqsaha badan u noqon doonaan kuwo xoogganâ€.
Dhismaha Saldhigga Milliteri ee Turkiga waxa uu bilowday sannadkii 2015-kii, waxaana Heshiiskiisa la gaaray, xilli uu Madaxweyne Erdogan booqday Somalia mar uu socdaal ku marayey dalal Afrikaan ah.
©Radio Dalsan