Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka musaafurisay labo nin oo Keenyam ah ay ay shegatay He’addu in qaab aan sharci aheyn ay ku joogeen Dalka.
Labadaan Nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Keenya ayaa horay waxaa gacanta ugu soo dhigay Sarakiisha Socdaalka qeybtooda dabagalka,Waxaana maanta dib loogu celiyay dalkooda.
Hey’adda ayaa labadaan Nin ka mamnuucday Soomaliya sheegtayna in aysan dib ugu soo laaban karin maadama markoodii hore aysan marin hab Sharciya taas oo ay u dheereed shaqooyin ay ka qabanayeen dalka Soomaaliya,Waxaana la faray Hey’adaha ku shaqad leh in ay ka feejignadaan soo laabashada labadaan Nin.