Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson ayaa Booqasho kedis ah ku yimid magaalladda Muqdisho, wuxuuna Kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo.
Kulankooda oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa waxay ka wada hadleen Xaalladda dalka Somalia, Arrimaha Ammaanka, Dagaalka Alshabaab, Macluusha iyo Shirweyne Caalami oo looga hadlayo Arrimaha Somalia oo lagu qaban doono London.
Madaxweye Framaajo iyo Boris Johnson waxay si gaar ah uga hadleen Xaalladda Abaaraha ee Somalia, iyadoo Dowladda Britain 10-million oo Geni ugu deeqday Hawlaha Anaaraha ee Somalia.
“Iyadoo uu dalka Somalia yahay Waddan kheyraad badan dhex ceegaagaan, waxaa haddana walaac leh Abaaraha soo laalaabtay†ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain.
Boris Johnson waxa kale oo uu tilmaamay inay Somalia ka taageeri doonaan dhinaca Ammaanka Somalia.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Boris Johnson ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Madaxweyne Farmaajo u sheego Shirweynaha London ee looga hadlayo Arrimaha Taageeradda Ammaanka Somalia, kaasi oo la qaban doono bisha May 11-da ee sannadkan.
Boris Johnsonâ€Verified account @BorisJohnson  45m45 minutes ago
Delighted to announce with President @M_Farmaajo the London Conference on #Somalia happening May 11. Supporting a secure #FutureForSomalia
©Radio Dalsan