Ilo ku dhowdhow Hawlwadeennadda Xiriirka K/Kollayga Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Xulka Gabdhaha Somalia ee K/Kollayga ka baaqsadeen inay ka qeyb galaan Tartanka K/Kollayga ee Zoonka 5-aad ee Afriuka oo ka furmay Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Xulka Gabdhaha ayaa ku xayiran Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dubai, kadib, markii ay Safaaradda Masar ee Dubai diideen inay Maamulka iyo Ciyaartoydaasi siiyaan Fiiso, si ay ugu dhoofaan magaalladda Qaahira.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay inay Ciyaartoyda manta dib ugu soo laaban doonaan magaalladda Muqdisho, maadaama ay dhowr maalmood ku xayirnaayeen Dubai, loona diiday Fiisaha Dal-ku-galka ee Masar.
Ma cadda sababaha rasmiga ee loogu diiday Fiisaha, mana jiro War Rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Sport-ga ee Xukuumadda Federalka oo ku aadan arrintaasi.
©Radio Dalsan.