Ciyaartoyda Gabdhaha K/Kollayga ee Somalia ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo loo diiday Fiisaha Dal-ku-galka ee dalka Masar, si ay uga qeyb galaan Tartanka K/Kollayga Gabdhaha Afrika ee Zoonka 5-aad.
Ilo-wareedyo ayaa sheegayo in laga yaabo in ay Kooxda Gabdhaha Soomaalida dib ugu soo laabtaaan dalka Hooyo.
Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa dalka Masar ayaa qoray inuu Tartankaasi u xayiran yahay Gabdhaha Soomaalida, waxaana tartankaasi ka qeyb galayo Xulalka Gabdhaha ee dalalka Masar, Ugaandha, Kenya iyo Somalia.
Tartankaasi waxa uu socon doonaa ilaa bishan March 18-da.
Dhinaca kale, Xulka Wiilasha ee K/Kollayga Somalia oo badankooda ka yimid Qurbaha ayaa ka qeyb galayo Tartankaasi ka furmay magaalladda Qaahira.
Ciyaartii u horreysay waxay la ciyaareen Xulka Wiilasha ee Uganda oo uu Tababare u yahay Macallin u dhashay Somalia.
Ciyaartaasi waxay ku soo dhamaatay 94 oo ay Kooxda Uganda ku guuleysatay, halka Xulka Somalia keeneen 72 dhibcood, taasi oo micnaheeda yahay in Xulka Somalia looga guuleystay11-Jeesto
©Radio Dalsan