Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay duhurnimadii maanta ka degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee King Khalid International Airport oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee RiyaWargeyska Al-riyadh ayaa qoray inay Wafdi Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyeen Amiirka Gobalka Riyadh. Faysal Bin Bandar Bin C/casiis, Wasiir-dowle ka tirsan Xukuumadda Sacuudiga oo lagu magacaabo Dr.Musaacid Bin Maxamed Alcayban, Duqa magaalladda Riyadh, Eng. Ibrahim Bin Maxamed Sultaan, Safiirka Sacuudiga ee Kenya ee aan deganaanshaha ku lahayn Somalia, Maxamed Bin C/qani Khayaat, Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle iyo Wakiilo ka socday Waaxda Hab-maamuska ee Boqortooyadda.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah C/salaam Hadliye oo ah Wsaiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda aan weli xilka wareejin iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Kulamo la qaadan doonaa Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Madax kale, ka hor inta uusan soo gudanin Waajibaadka Cimradda.
Labada Hoggaamiye ayaa isla eegi doona Xiriirka Labada Waddan, Iskaashiga Gobalka ee La-dagaalanka Xuutiyiinta iyo Taageeradda Sacuudiga ee Dowladda Federalka ee dhinacyadda Siyaasadda Gobalka, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo sidii wax loogu qaban lahaa  dadka ku macluulsan gudaha Somalia.
©Radio Dalsan