Hooyadaasi oo magaceeda la qariyey iyo carruurteeda ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Dulles Airport ee Gobalka Virginia, iyagoo aan waxba cunin muddo 20-saacadood.
Najiib Cabdi oo ay ilo adeer yihiin Qoyskaasi ayaa u sheegay Telefishinka ABC News inay Hooyada iyo carruurteeda ka yimaadeen dalka Kenya la xiray isla markii ay shalay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Dulles.
Waxa uu intaasi ku daray inkastoo ay Carruurta ku dhasheen Kenya, haddana waxay haystaan Baasaboorka Maraykanka, iyadoo Hooyadooda oo ka timid Somalia uu saamayn ku yeeshay amarkii Donald Trump ku xayiray dadka ka imaanayo 7 dal oo ay Somalia ku jirto.
Najiib Cabdi waxa uu tilmaamay inay Saraakiisha Socdaalka ee Garoonka u yeereen Aabaha dhalay carruurta oo deggan Gobalka Minnesota, waxayna u sheegeen inuu u yimaado si carruurtiisa loogu wareejiyo, maadaama ay Muwaadiniin Maraykan yihiin.
Saraakiisha waxay Odayga u sheegeen inay Xaaskjiisa dib ugu celin doonaan Kenya oo ay horey uga timid.
Hooyadda waxay diiday inay saxiixday qoraal ilaa uu ka imaanayo Ninkeeda, waxaa kaloo lagu khasbay inay saxiixdo Qoraal kale, si iyada iyo carruurteeda dib loogu masaafurinayo Kenya.
Hooyadda waxay ku dooday inaysan waxba samayn karin ilaa ay la midoobayso Qoyskeeda jooga Maraykanka.
“Hooyadda ayey jeebadeeyeen, xitaa marka ay aadayso suuliga qubeyska†ayuu yiri Najiib Cabdi oo sheegay inay Saraakiisha mar kale Telefoon u direen Odayga Familka, una sheegeen inuu soo doonto carruurtiisa ama loo celin doono Kenya.
Qoyskaasi waxa ugu dambeyntii loo oggolaaday inay gudaha u galaan Maraukanka, kadib, markii Xeer-ilaaliyaha Degmadda, Ann Donnelley buuxisay Dacwad degdeg si Qoyskaasi loogu oggolaaday inay dib u midoobaan.
Hooyadda iyo labadeeda carruur waxay ugu dambayntii gaareen Gobalka Minnesota oo uu Odayga Familka deggan yahay, balse waxay le’yeen4 ka mid ah 7-dii Shandadood ee ay wateen oo kaga lumay Garoonka sidii Dembiilayaal oo kale loogu hayey,
©Radio Dalsan