Komaandooska Maraykanka oo adeegsanayo Diyaaradaha Drones-ka iyo Helikopteradda ayaa Hawlgal ka fuliyey Degmadda Yakla ee Gobalka Al-bayda ee Koonfurta dalkaasi.
Ciiddanka waxay dileen 20-qof oo ay ku jireen xubno ka tirsan Alqaacidada iyo Hoggaamiye-dhaqameedyo xiriir la leh Al-qaacida.
Hawlgalkaasi oo ah kii ugu horreeyey tan iyo markii uu Donald Trump xilka la wareegay ayaa la sheegay in lagu burburiyey 6 dhismo, iyadoo ay dad rayid ah weli ku hoos xaniban yihiin burburkaasi.
Ilo dhinaca Beelaha ayaa sheegay in 8 haween iyo 8 carruur ka mid ahaayeen dadka lagu dilay Weerarkaasi.
Xubnaha Al-qaacida ee lagu dilay weeerarkaasi ayaa lagu sheegay inay kala ahaayeen Labo Walaalo oo lagu kala magacaabi jirey C/ra’uuf Al-zahab iyo Sultan Al-zahab iyo Sayf Calawi Al-jawfi.
Dhinaca kale, Ciiddanka Dowladda Yemen iyo Dagaalamayaasha Xuutiyiinta ayaa ku dagaalamayo magaalladda Mokha ee Galbeedka dalkaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay inay in  ka badan 100-dagaalyahan ayaa lagu dilay iska horimaadkaasi 24-kii saacadood ee la soo dhaafay .
Maydadka ugu yaraan 90 Maleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa loo qaaday Isbitaalka Degmadda Xudeyda, halka 19 ka tirsan Askarta Dowladda lo oqaaday Isbitaalo ku yaalla Cadan.
Ciiddanka Dowladda oo taageero ka helayo Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga waxay qabsadeen Dekedda magaalladda Mokha, waxayna Diyaaradaaha si xooggan u garaaceen jidka isku xira magaallooyinka Mokha iyo Xudeyda oo sahayd u soo marta Kooxda Xuutiyiinta.
©Radio Dalsan