Wasiirka Maaliyadda ee dalka Kenya, Kamau Thuge ayaa maanta xaqiijiyey in la xayiray Xisaab-lacageedka Shaqsiyaad iyo Xarumaha Xawaaladaha ee looga shakiyey inay maalgeliyaan Alshabaab.
Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kenya maanta ku qabteen Aqalka Harambee House oo ku yaalla magaalladda Nairobi.
Waxa uu ku dooday inaysan ku degdegin go’aankaasi, balse la sameeyey baaritaaano lagu ogaaday Shaqsiyaadka iyo Xarumaha Xawaaladaha ee taageeradda u fidiya Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah Xukuumadda Kenya oo lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa akhrisay War-saxaafadeedka la xiriiray Xawaaladaha iyo Shaqsiyaadka lagu soo rogay xayiraadda.
Waxay sheegtay inay Dowladda Madaxweyne Uhuru Kenya ka go’an tahay in dalka Kenye laga wada saaro Kooxaha loogu yeero Argagixisadda
Dhinaca kale, waxaa Faafinta Rasmiga ee Dowladda Kenya lagu soo bandhigay Magacyadda 86 Shaqsi iyo 13- Xawaaladood oo lagu soo rogay xayiraaddaasi.
Waxay  kaloo Dowladda Kenya sheegtay inay Xarakadda Alshabaab iyo Golaha Jamhuuriga Mombasa ee MRC lagu daray Liiska Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waa sida lagu xusay hadalka Dowladda Kenya.