Amar shalay (January 16) ka soo baxay Dowladda Burundi ayaa waxaa lagu faray Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Dibedda  loogu tilmaamay inay bilaabaan Dhaqdhaqaaqa  Ciiddankaasi qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.
Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad ee dalkaasi, Gaston Sindimwo oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay go’aansadeen inay bilaabaan Daad-gureynta ay horey u ballan qaadeen.
Wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM sii wadi karin hawsha iyagoo aanwax mushaar ah la siinin muddo 12-bilood.
Tan iyo bishii April ee sannadkii hore waxa uu Khilaaf xooggan soo kala dhex galay Dowladda Burundi iyo Midowga Europe oo bixisa Kharajka Ciiddanka AMISOM, kadib, markii Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza mar 3-aad loo doortay Hoggaaminta dalkaasi.
Midowga Europe waxay doonayaan inay si toos ah mushaaradka u siiyaan Ciiddanka Burundi, balse Dowladda Burundi ayaa ku adkeysanayso in Kharajkaasi la soo marsiiyo.
Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM Â oo tiradoodu dhan tahay 5,400 Askari waxay EU-da bil kasta si toos ah u siiyaan mushaarkooda oo dhan 5.3 million oo Dollar bil kastaba.
Dhinaca kale, haddii Ciiddanka Burundi laga saaro Somalia, waxay horseedi doontaa inay hoos u dhacdo Awoodda ay Ciiddanka AMISOM kula dagaalami karaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Burundi ayaa ahaa Ciiddanka Labaad ee ugu tirada badan Hawlgalka AMISOM, waxayna afar duleel oo meel ka yihiin Tirada Guud ee Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Somalia oo dhan 20,000 oo Askari.
©Radio Dalsan