Telefishinka NTV ee dalka Turkiga ayaa goor dhow baahiyey inay Boliska qabteen 2 nin oo Ajnabi ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo weerarkii bishan 1-dii ka dhacay dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Istanbul ee lagu dilay 39-qof.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin dalalka ay u dhasheen dadka la qabtay.
Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay weerarkaasi, iyado oay Hay’addaha Ammaanka Turkiga weli baadi-goobayaan Ninkii ka dambeeyey Weerarkaasi.
Wargeyska Haberturk ayaa maanta qoray in Ninka weerarka geystay la rumeysan yahay inuu ku soo tababar qaatay dalka Syria, isla markaana uu Turkiga soo galay bishii November ee sannadkii hore, isagoo ay la socdeen Xaaskiisa iyo labo carruur ah, kamana muuqanin wax shaki ah.
Telefishinka CNN-ka ayaa sheegay in Ninkaasi la rrumeysan yahay inuu asal ahaan ka soo jeedo dalka Kasakhistan (Kyrgyz).
Afhayeenka Dowladda Turkiga, Numcaan Kurtulmus ayaa sheegay in aad loogu dhow yahay Aqoonsiga buuxa ee ninkaasi, kadib, markii la ururiyey Astaamaha Faraha iyo Warbixin la xiriira muuqaalkiisa.
8 qof ayaa la xiray, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay wax ka soo maleegeen Weerarka lagu dilay 39-ka qof, laguna dhaawacay 70-ka kale.
©Radio Dalsan