Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari aya ka dhacay Magallada Muqdisho Duhurnimadii Maanta.
Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay Bar koontorool ay ku sugnayeen Ciidamada Nabadsugida Soomaliya oo baari jiray Gadiidka Isticmaala Wadada hor marta Garonka Diyaaradaha Adaan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxa la sheegay in ay ku geeriyoodeen Dad u badna Arday iyo Ciidanka Nabadsugidda oo gobta ku sugna,Sidoo kalana ay jiraan Dhaawacyo Badan.
Qaraxa kale aya ka dhacay Albabka laga galo Xarunta Xalane oo Saldhig Melateri u ah Ciidanka Nabad ilaalinta Miduwga Afrika ee AMISOM.
Goobjoogayaal ayaa u xaqeejiyay Idaacada Dalsan in Qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaartay Dad ku sugna Maqaaxi ku tiilay halka uu gaarigu ku Qarxay.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Weriyaasha kula hadlay Albaabka Xarunta Xalane waxa uu ka gaabsaday in uu sheego Khasaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee ka dhashay Weerardas.
©Radio Dalsan