Wakaalladda Wararka Dowladda Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegtay in ugu yaraan 60 qof ku geeriyootay dhismo ku soo dumay Bariga dalkaasi.
Tiradda dhimashadda ayaa laga cabsi qabaa inay sii korodho, iyadoo tiro dad oo aan cadadooda la aqoonin ku hoos xaniban yihiin Dhismaha burburay oo ahaa Taawar ku xiran Wershad Tamarta.
Ku-dhawaad 68 Shaqaale ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen Dhismahaasi, markii uu soo dumayey.
Kooxaha Gurmadka ayaa ku hawlan inay dad nool ka soo bixiyaan burburka Dhismhaasi, iyadoo 32 Dab damis ka qeyb qaateen daminta dabka ka kacay Dhismaha Wershadda.
©Radio Dalsan