Weriye Nasra Cali Caruus oo ka mid ah Suxufiyiinta ku nool magaalladda Bowling Green ee Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka, oo la hadashay Radio Dalsan ayaa sheegtay inay dadka Soomaalida haatan muujinayaan Deganaansho, kadib, hadalladii xanafta lahaa ee uu Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump horey u jeediyey.
Weriye Nasra Cali Caruus oo ah Saxafiyad Caan ah oo ka soo shaqeysay Idaacaddaha Soomaali-weyn, Banaadir iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxay kaloo ka hadashay Xaalladda Nololeed ee Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Kentucky.
HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA NASRA CARUUS:
©Radio Dalsan