Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Anas Cabdalla iyo mid u dhashay dalka South Afrika oo lagu magacaabo Gabriel Rasmus ayaa xukun lagu riday, kadib, markii la qabtay iyagoo doonayey inay ku biiraan Kooxda Daacish.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay Boliska qabteen Anas Cabdalla, Maxamuud Diini iyo Gabriel Rasmus bishii April ee sannadkii hore, xilli ay ku dhuunteen Gaari Xamuul oo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Kent.
Anas Cabdalla waxa uu ahaa Ciyaartoy tababar la qaata Kooxda Aston Villa, waana ciyaar-yahan lugta bidix ku xariiftama.
Maxkamadda ayaa laga hor sheegay inuu Anas Cabdalla xirfadda Teknoolajiyadda Warfaafinta ee IT uga shaqeyn jirey Shirkadda Selfridges, balse uu shaqada karaahsaday, isagoo la shaqeynayey Shaqaale Kirishtaan ah.
Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay Anas Cabdalla oo 27-jir ah ku xukuntay Xabsi 5-sanno ah, halka Gabriel Rasmus oo 30 jir ah, soona islaamay sannadkii 2008-dii lagu xukumay xabsi 4 sanno iyo 3 bilood.
©Radio Dalsan
Â
Â
Â