Caasimadda Maamulka Puntland ee Garowe, waxaa maanta lagu doortay qaar ka mid ah xubnaha Puntland uga mid noqon doona Aqalka Hoose ee Barlamaanka Cusub ee Somalia.
Doorashadaasi oo lagu dooran doono 12 Xildhibaan ayaa waxaa maanta la doortay 6 Xildhibaan, kuwaasi oo kala ah:-
- Cali Yuusuf Cali Xoosh (Cali Gaab)
- Cilmi Cumar Cilmi
- Maxamed Xayir Ibraahim
- Muuse Axmed Ismaaciil
- Axmed Ismaaciil Maxamuud
- Cumar Ismaaciil Waaberi.
Dhinaca kale, Wejiga Labaad ee Doorashadda ayaa la filayaa in la soo doorrto maalmaha soo socda.
©Radio Dalsan