Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dedejin doonaan Hawlaha lagu dhisayo Derbiga dhinaca Ammaanka ee ay ugu talagaleen si ay isaga moosaan Weeraradda ay Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shisisa ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Suxufiyiinta, wuxuuna xusay in dhismaha Derbigaasi la soo dhamaystiri doono bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
“â€75 maalmood kadib ayaa la dhamaystiri doonaa Derbigaasi, lana dedejin doono si looga hortago Weeraradda Alshabaab ka geystaan Mandhera†ayuu yiri Fredrick Shisia, wuxuuna intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya ka hawl geli doonaan Derbiga Ammaanka ee Xusuudka, si ay uga hor tagaan Alshabaabka u soo tallaabayo gudaha Kenya.
Hadalkiisa ayaa  waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Xarakadda Alshabaab bishan October kordhiyeen weeraradda ay ka geysteen magaalladda Mandera, waxayna Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegeen in 19 qof lagu dilay guud ahaan Weeraradaas.
©Radio Dalsan