Hal qof ayaa si xun loogu dhaawacay Dibadbax habeenkii Labaad xalay ka dhacay magaalladda Charlotte ee Gobalka Waqooyiga Carolina.
Boliska ka hortaga Dibadbaxyada rabshadaha wata ayaa la sheegay inay toogteen Nin madow oo ka mid ah dadkii dibadbaxayey.
Warar hore ayaa sheegay inuu geeriyooday Ninka la toogtay, balse War ay Saraakiisha Magaalladaasi soo dhigeen Bartooda Twitter-ka ayey ku sheegeen inuu ninkaasi soo gaaray dhaawac culus, lana dhigay Isbitaalka.
Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ku jiro xaallad khatar ah, waxaana lagu rakibay qalabka taageeradda.
Sarkaal ka tirsan Boliska ayaa laga daaweeyey dhaawacyo ka soo gaaray Dibadbaxyaddii xalay ka dhacay magaalladaasi.
Guddoomiyaha Gobalka North Carolina ayaa Xukun Degdeg ah ku soo rogay Gobalka, iyadoo Ciiddanka Ilaaladda Qaranka loo diray si ay Boliska uga taageeraan sidii loo soo celin lahaa Ammaanka iyo Kala-dambaynta ee magaalladda Charlotte.
Xiisadda ka aloosan magaalladaasi ayaa bilaabantay maalintii Talaadada ee la so odhaafay, kadib, markii ay Boliska magaalladda Charlotte toogasho ku dileen Nin madow oo lagu magacaabi jirey Keith Scott oo 43-jir ahaa.
Boliska ayaa sheegay inuu ninkaasi ku hubeysnaa Qori, isla markaana uu Saraakiisha ka diiday inuu iska dhigo Qoriga.
Balse, qoyska Ninka la dilay iyo Goobjooge ayaa sheegay in markii ay Boliska tooganayeen uu Keith Scott watay Buug, waxayna beeniyeen inuu watay Qori.
Weli lama soo bandhigin Muuqaalka Video-ga ee Dhacdadaasi, balse Haweeneyda Duq magaallo ka ah Charlotte ayaa sheegtay inay maanta daawan doonaan Muuqaalka laga duubay Dhacdadaasi.
ΓΒ©Radio Dalsan