Ammaanka Guud ee magaalladda Mandera ee W/bari Kenya ayaa la sheegay in aad loo adkeeyey, iyadoo uu Taliyaha Boliska Gobalka Mandera, Fedrick Shisia sheegay in Hay’addaha Ammaanka la geliyey Heegan Buuxa, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in la adkeeyey Ammaanka Xuduudka ku dhereran Somalia, isla markaana ay shaki weyn ka qabaan inay Dagaalamayaasha Alshabaab isticmaalaan Labiska iyo Gaadiidka Dagaalka ee ay horey ugu qabsadeen Duullaankii ay bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeen Xeraddii ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Duullaankii Dagaalamayaasha Alshabaab ku qabsadeen Xeraddii Askarta Kenya ee Ceel-cadde ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Askarta Kenya ka soo gaaro gudaha Somalia.
Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay in ka badan 150 Askar Kenyan ku dileen Weerarkii Ceel-cadde, inkastoo ay Dowladda Kenya aysan marnaba ka hadlin tirada rasmiga ee Askarta looga dilay Ceel-cadde.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Mandera, Fedrick Shisia waxa kale oo uu sheegay in weerarkii Xarakadda Alshabaab jimcihii hore ku qaadeen Degmadda Ceel-waaq uu Kenya ku kallifay inay Ciiddanka Kenya xoojiyaan Ammaanka Xuduudka, gaar ahaan inta u dhexeysa Degmooyinka Ceel-waaq, Dhamase iyo Boraje.
si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa horey wacad ugu maray inay sii wadayaan Dagaalka ay kula jiraan Kenya, ilaa ay Askarta Kenya laga wada saarayo gudaha Somalia.
 ©Radio Dalsan
Â
Â