Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la filayaa inuu isbuuca soo socdo ka qeyb galo Shirweynaha 71aad ee Golaha Guud ee QM oo looga hadlayo Xaalladaha ay ku sugan yihiin Qaxootiga ku dhibaataysan Caalamka.
Shirkaasi oo maalinta Isniinta ee soo socota ka furmi doona Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, waxa uu Madaxweynaha Kenya soo bandhigi doonaa Qorshaha Dowladiisa ee ay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab taasi oo la filayo in albaabadda la isugu dhufto dabayaaqadda bisha November ee sannadkan.
Maamulayaasha Kenya waxay sheegaan inay dib u celin doonaan Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaali ah oo ku nool Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu weyn Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla Caalamka.
©Radio Dalsan