Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Erik Kiraithe ayaa sheegay inuu Madaweyne Uhuru Kenyatta soo farageliyey sidii ay Dowladda Somalia u qaadi lahayd xayiraadda saaran Qaadka laga keeni jirey Kenya, taasi oo naafeysay Beeraleyda Qaadka.
Uhuru Kenyatta waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Somalia in loo fasaxo Qaadkii ay Ganacsatada Kenya u soo iib geyn jireen Somalia.
“Madaxweynaha waxa uu dhigiisa Somalia u sheegay sida ay xayiraadaasi u dhibaataysay Beeralayda†ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya oo intaasi ku daray in Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya loo soo diri doono Somalia, si ay Madaxda Somalia ugala hadlaan Xiriirka Ganacsiga ee labada Waddan iyo Qaddiyadda xayiraadda Qaadka.
Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, waxa uu beeniyey inuu Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya mas’uul ka yahay Xayiraadaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladda Somalia leedahay go’aanka lagu joojiyey Qaadka laga dhoofin jirey Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Peter Munya awoodi Karin inuu carqaladeeyo Xiriirka Ganacsiga Caalamiga ee Kenya la leedahay Dalalka kale.
Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Abassador Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya inuu u sabab ahaa Go’aanka ay Dowladda Federalka sida KMG ah loogu joojiyey Qaadkii laga keeni jirey Kenya.
Peter Munya waxa uu bishii July ee sannadkan booqday magaalladda Hargeysa, isagoo Madaxda Maamulka Somaliland kala hadlay in Qaadka Kenya loo iib geeyo Somalilandd iyo inuu isaga u ololeyn doono sidii ay Dowladda Kenya u ictiraafi lahaayeen Somaliland.
 ©Radio Dalsan