Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha 6-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika iyo Japan uga socda magaalladda Nairobi ee looga hadlayo Iskaashiga Dowladahaasi.
Waxa uu Dowladda Japan ka dalbaday inay Taageero ka geystaan Dagaalka Afrika ee ka dhanka ah Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo Arrimaha la xiriira Ammaanka.
Ra’isul-wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay inay Dowladiisa horey Ciiddanka Kenya horey uga dhiseen Khibradaha la xiriira Doorka Ciiddanka Kenya ka qaadan karaan Hawlaha Nabad-ilaalinta Qaaradda Afrika.
©Radio Dalsan