Nin isku soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu isku dhinac qarxiyey dad ku sugnaa Isbitaalka Kuweeta ee Gobaalka Balujistaan ee K/galbeed ee dalkaasi.
Inta badan dadka geeriyooday ayaa u badnaa Garyaqanao iyo Suxufiyiin isugu timid Isbitaalka si ay u soo aasaan maydkii Garyaqaan la oran jirey Bilaal Anwar Kaasi, oo ay kooxo hubeysan toogteen Waaberigii hore ee saakayto.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, waxayna Warbaahinta sheegayaan inay ku geeriyoodeen ilaa 50 qof, inkastoo warar kale tiurada dhimashada ku sheegeen ilaa 30 qof.
Telefishinka Wararka ee GEO ayaa soo weriyey inay ugu yaaran 15 qof, iyadoo 20 kalena ku dhaawacmeen Qaraxaasi.
©Radio Dalsan