Saddex nin oo Somali ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Worcester Crown Court ee dalka Britain, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ka tirsan yihiin Kooxaha Gangestarada ee ka ganacsada Daroogada.
Maxkamadda waxay Eedeysane Kamaal Liibaan oo deggan magaalladda Leicester ku xukuntay Xabsi saddex sanno iyo afar bilood.
Sidoo kale, Eedeysanayaasha C/mahad Caddow iyo C/raxiim Saciid ku xukuntay midkiiba Xabsi afar sanno ah.
Dhinaca kale, Boliska ayaa sheegay in Eedeysanayaasha la xukumay lagu soo qabtay Hawlgal ay Boliska bishii April 7-dii ee sannadkan ku galeen labo guri oo ku yaalla Ronkswood, halkaasi oo lagu soo xiray 7 qof.
Hawlgalkaasi oo ay fuliyeen 18 Saraakiil Bolis ah waxay soo heleen Daroogadda Cocaine iyo lacag dhan 2,000 oo Geniga Istarliinka ee Britain ( £2,000).
©Radio Dalsan