Mas’uuliyiin Dowladeed,Saraakiisha Hay’addaha Samafalka, Qurbo-joog, Suxufiyiin iyo Weriyayaal ayaa waxay Jimcihii la soo dhaafay Booasho Tamashlayn ah ku tageen Degmadda Warsheekh ee Gobalka Sh/dhexe.
Waa Degmo kaabiga ku haya Xeebta Badweynta Hindiya, waana Deegaan Qaddiimi ah oo ku yaallaan Dhismooyin Xadaarad fac weyn leh, oo uu ka mid yahay Masjid la dhisay 500 sanno ka hor.
Marwo Khadra Ciiddan-gale oo ka timid Maraykanka ayaa ka mid ah dadka sida wacan u xiiseeyey Bilicda Xeebta Warshiikh.
Mar ay Weriye ka tirsan Radio Dalsan kula hadashay Xeebta Warshiikh waxay sheegtay inay aad uga heshay booqashadda ay ku tegtay Deegaankaasi.
Marwo Khadra Ciiddan-gale oo muddo dheer ku noolayd Maraykanka, waxay sheegtay inay aad ugu il doogsatay Bilicda Warshiikh, isla markaana aysan filaynin inuu dalkeenna leeyahay waxyaabo ku fiican Dalxiiska.
Alfannaan Keyoow oo isagana ka mid ahaa dadkii Jimcihii hore u dalxiis tagay Xeebta Warshiikh waxa uu tilmaamay inay Warshiikh tahay magaallo ku fiican Dalxiiska.
Fannaanka waxa uu dadkii ku sugnaa Xeebta Warshiikh ku madadaaliyey Heesihiisa laga daba dhacay, taasi oo ay dadkii ku sugnaa Xeebta Warshiikh aad ugu riyaaqeen.
Guddoomiye-xigeenka Degmadda Warshiikh ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, C/raxmaam Macallim oo la hadlay Qurbo-joogta booqatay Deegaankaasi ku booriyey inay maalgashi ku sameeyaan Warshiikh.
Isagoo la hadlayey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inay gacmo furan ku soo dhaweynayaan Dalxiisayaasha iyo Qurbo-joogta, si ay uga qeyb galaan Hawlaha lagu horumarinayo Dalxioiska iyo Dib-u-dhiska.
G/xigeenka Degmadda Warshiikh ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, C/raxmaam Macallim waxa uu tilmaamay inay dad badan oo deggan Muqdisho ay isbuuc kasta dhamaadkiisa u soo dalxiis tagaan Xeebta Warshiikh.
“150 ilaa 200 oo qof ayaa Jimco kasta socdaal tamashlayn ah uga yimaada magaalladda Muqdisho, si ay ugu dalxiisaan Xeebta Warshiikh ee saxansaxadda udgoon leh†ayuu yiri C/raxmaan Macallim.
Degmadda Warsheekh waxaa lagu xusuustaa waa Deegaan-Xeebeedkii ugu horreeyey ee uu Gumeystihii Talyaaniga ka soo degay, waxayna Dadka xusuusta Taariikhda sheegaan in markii ugu horreysay ee ay Talyaaniga doonayeen inay soo caga dhigtaan Warshiikh in lagala hortagay dagaal.
Ciiddankii Talyaaniga madaafiic ay xilligaasi soo tuuraan ayaa waxaa ilaa iyo haatan la arkaa haraaga burburkiisa.
Ugu dambayntii, Degmadda Warshiikh waxaa haatan laga dareemayaa Dhaqdhaqaaq Nololeed, Ganacsi, Dalxiis iyo Dhismooyin Casri ah.
©Radio Dalsan
Â
Â
Â