Dagaalyahano la tuhunsan yahay inay ka tirsan Xarakadda Alshabaab aya waxay weerareen, isla markaana burburiyeen Tawer Isgaarsiin oo ku taalla Deegaanka Lafeey ee Degmadda Fiiq ee duleedka Mandera.
Weerarkaasi ayaa dhacay Waaberigii hore ee maanta oo Khamiis ah, waxayna Dagaaalamayaasha burburiyeen Tawerka Isgaarsiinta Telefoonadda, lamana shaacinin Shirkadda lahayd qalabkaasi.
Taliyaha Boliska Deegaanka Lafey, Bosita Omukolongolo ayaa sheegay inuu weerarkaasi dhacay abaarihii labadii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.
Waxa uu tilmaamay inuu iska horimaad culus dhex maray Alshabaab iyo Saraakiisha ilaaladda ka haysay Tawerkaas, inkastoo uusan sheegin khasaaraha labada dhinac soo gaaray.
“Alshabaab waxay doonayeen inay jaraan Isgaarsiinta ay ku wada xiriiraan Ciiddanka Ammaanka iyo Dadka Deegaanka†ayuu yiri Taliyaha Boliska ee Deegaanka Lafeey.
Dhinaca kale, Xildhibaan Saad Abajano oo ka tirsan Barlamaanka Deegaanka Fino ayaa sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo haddii uu jiro khasaarooyin ka dhacay weerarka lagu burburiyey Tawerka Isgaarsiinta.
Waa Weerarkii Labaad ee ay Alshabaab ku beegsadaan Taweraddaa Firdhiska ee Isgaarsiinta Telefoonadda ee Kenya.
Bishii la soo dhaafay ee June 26-dii, Alshabaab waxay burburiyeen Saldhig Isgaarsiin oo ku yaalla Tuulladda Damasa ee Deegaanka Lafeey.
©Radio Dalsan