Siyaasiga Eng. C/raxmaan Osman Omar “ Eng. Yariisow†oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Sh/dhexe ayaa gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Urur-gobaleedka IGAD ee dhismaha Maamul-gobaleedka Labada Gobal ee SH/dhexe iyo Hiiraan.
Eng. Yariisow oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay in Qorshaha IGAD yahay Xad-gudub, Ihaano  iyo Faragelin meel looga dhacayo fursadda ay dadka ku nool Labadaasi Gobal iskooda uga tashan lahaayeen Dhismaha Maamulkooda.
Siyaasiga oo horey u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Wasiirkii Warfaafinta waxa uu qorshaha IGAD ku tilmaamay Fal lagu doonayo in khilaaf laga dhex abuuro dadka Walaalaha ee wada deggan Labadaasi Gobal.
“Faragelinta IGAD waxay abuuri kartaa Xiisad iyo Olol Siyaasadeed iyo mid Bulsho, waxaana la gudboon Madaxda IGAD inay faraha kala baxaan Maamul -u-samaynta Goballadaasi†ayuu yiri Eng. Yariisow, oo intaasi ku daray in ay Faragelinta IGAD carqaladeynayso Dastuurka Qaranka iyo Nidaamka Federalisimka ee laga hirgelinayo dalka Somalia.
Waxa  kale oo uu carrabka ku dhuftay in IGAD joojiyaan Faragelinta, isla marka dadka Deegaanka loo oggolaado inay si wadajir ah uga tashadaan Maamulkooda iyo Masiirkooda.
Dhinaca kale, Siyaasiga Eng. C/raxmaan Osman Omar “ Eng. Yariisow†waxa uu hoosta ka xariiqay in Hoggaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Sh/dhexe iyo Hiiraan awood u leeyihiin inay si niyadsami leh uga tashadaan, una yegleelaan Maamul-Gobaleedka ay ku midoobi karaan.
Hadalka Siyaasigaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Idaacadda Radio Dalsan baahisay Dukumentiga Sirta ee  Qorshaha IGAD ee Dhismaha Maamul -gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
©Radio Dalsan.