Shirka madasha qaranka oo shalay gelinkii dambe ka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Baydhabo ayaa maanta galaya maalintiisa.
Madaxweynaha ayaa shalay halkasi ka sheegay in dowlada ay diyaar u tahay iney dalka ka qabsoonto doorasho ka wanaagsan midii ay dowladiisa ku timaday.
Shirkan oo beri la soo xiri doono waxa diirada lagu saarayaa Doorashooyinka,saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,Dib u eegista dastuurka iyo qoddobo kale.
Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay iyada oo weli halkasi ay ku sii sugnaan doonan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.