Madaxweyanaha wadanka Mareykanka Barak Obama ayaa markii ugu horeysay waxa uu booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Hiroshima ee wadanka Japan,halkas oo uu Mareykanka ku dhuftay bamkii Nukliyeerka ee ugu horeeyay ee la isku weeraray.
Obama ayaa la hadlay ciidamo isugu jiray kuwa Mareykanka iyo japan ka hor inta uusan tagin Hiroshima sida aan ka soo xiganay Wakaalada Mareykanka Ee AP.
Obama ayaa noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykanka isaga oo xil haya booqda magaalada Hiroshima tan iyo sanadkii 1945kii,oo ah waqtigii bamka uu ku dhuftay Mareykanka.