Hoggamiyayaha Isbahaysiga CORD ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu dhawaan siiyey Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna sheegay haddii uu ku guuleysto Madaxtinimadda Kenya inuu muddo hal sanno ah Ciiddanka Kenya kaga soo saari doono gudaha Somalia.
Waxa Uu sheegay inuu rumeysan yahay haddii Ciiddanka Kenya ka soo baxaan Somalia inay yaraan doonaan weeraradda Alshabaab ku hayaan dalka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray in weeraradda Alshabaab kordheen markii ay Ciiddanka Kenya gudaha u galeen Somalia sannadkii 2011-kii.
Raila Odinga oo raja ka qaba Doorashadda Madaxtinimadda Kenya ka dhacayso sannadka soo socda, waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Ciiddanka Kenya ka soo saari doono Somalia iyo inuu wax ka qaban doono Musuqa naafeeyey Dowladnimadda Kenya.
Waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuu isagu laaluush bixiyey, balse aanu qaadanin Laaluushka, oo uu xusay inay qeyb ka noqotay Nolosha Xafiisyadda Dowladda Kenya.
Dhinaca kale, Raila Odina oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday dalka Kenya, waxa uu tilmaamay haddii loo doorto Madaxweyne inuu xabsiga dhigi doono Saraakiisha Dowladda ee lagu helo falalka Musuqa iyo Laaluushka.
©Radio Dalsan