Waxaa maanta dib u dhac ku yimid qorshe lagu soo dooran lahaa Hoggaanka cusub ee Ururka NUSOJ, waxaana la filayaa inay doorashadu dhacdo maalinta Axadda ee soo socota.
Dhowr Musharax ayaa u taagan Hoggaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, inkastoo aad loo hayo inuu Weriye Maxamed Ibraahim Macallimu yahay Shaqsiga ugu cadad ee ku guuleysan doona Xilkaasi.
Shaan Hordhac ah oo Baraha Bulshadda la isku weydaarsaday ayaa muujinaya inuu Weriye Macallimu haysto Taageeradda ugu badan, lana filayo inuu ku guuleysan doono Doorashadaasi.
Weriye Maxamed Ibrahim Macallimu oo Halganka Saxaafadda ka soo bilaabay magaalladda Jowhar waxa uu ugu dambeyntii ka gaaray Figta Sare, isagoo noqday Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da uga soo warama magaalladda Muqdisho.
Weriye Macallimu oo muddo 12 sanno ku soo dhex jiray Saxaafadda, waxa labo jeer jeer la dhaawacay isagoo ku guda-jira Hawlihiisa Suxufinimo.
Haatan, Weriye Macallimu waxa uu yahay Musharaxa loo han weyn yahay inuu noqdo Guddoonka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Ilaa 150 Saxafi ayaa la filayaa inay maalinta Axadda ee soo socota isugu yimaadaan Madasha lagu dooran doono Hoggaanka cusub ee NUSOJ, waxayna Ergooyinkaasi ka kala yimaadeen Maamul-gobaleedyadda dalka ka dhisan iyo Warbaahinadda ka hawlgala magaalladda Muqdisho.
Waana markii ugu horreysay ee ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed si mideysan u wada dooran doonaan Hoggaanka cusub ee NUSOJ, si sare loogu qaado Tayada Warbaahinta Somalia iyo Xiriirka lala leeyahay Hay’addaha Saxaafadda ee Caalamka, gaar ahaan kuwa tababaradda siiya Suxufiyiinta.
©Radio Dalsan
.