Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinett ayaa lagu sheegay in abaalmarin 2 million oo Shillinka Kenya, oo u dhiganta 20,000 oo Dollarka Maraykanka la siinayo qof kasta oo keena Warbixin lagu soo qaban karto Labo Dhakhtar oo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish,
Labada Nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Faarax Dagane iyo Axmed Hiish ayaa la sheegay inay ka hawlgeli jireen Degmadda Kitaale ee W/galbeed Kenya, waxaana lala xiriirinayaa inay yihiin maskaxdii ka dambeysay Dhaqdhaqaaqyadda ay Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ka wadaan dalka Kenya.
Raggaasi aya la sheegay inay dhuumasho galeen, kadib, markii ay xaqiiqsadeen inay ku jiraan Liiska ay Boliska baadi-goobayaan, isla markaana horey loo qabtay dad ay isku koox yihiin.
Boliska Kenya waxay horey u sheegeen inay qabteen Nin lagu magacabo Maxamed Cabdi Cali, kaasi oo la sheegay inuu yahay qof loo tababarey Dhakhtar Caafimaad.
Eedeysanaha Maxamed Cabdi Cali oo lagu eedeynayo inuu abaabulayey Weerar loo adeegsado Anthrax oo laga fuliyo gudaha Kenya ayaa la hor geeyey Maxkamadda oo Boliska u fasaxday inay muddo 30 maalmood sii hayn karaan, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaankooda.
Taliyaha Boliska Kenya, Joesph Boinett waxa uu tilmaamay in Eedeysane Maxamed Cabdi Cali ka hawlgeli jirey Isbitaalka Wote oo ku yaalla Bariga Kenya, isla markaana uu xiriir la lahaa Kooxda Daacish.
“Baaritaanadda hordhaca ayaa muujinaya inuu Maxamed Cabdi Cali xiriir la leeyahay Daacish, una qaabilsanaa inuu Ardayda Jaamacadaha iyo Dhallinyaradda kale ee Kenya u tashkiiliyo, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish†ayuu yiri Taliyaha Boliska Kenya, oo intaasi ku daray inuu Maxamed Cabdi Cali wax ku soo bartay Jaamacadda Kampala International University oo ku taalla Uganda.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Kenya, waxa uu sheegay in la qabtay Eedeysanaha xaaskiisa oo lagu magacaabo Nuseyba Maxamed Xaaji oo arday ka ahayd Jaamacadda Kampala International University lagu qabtay gudaha dalka Uganda.
Waxaa kaloo lala qabtay gabadh kale oo ay saaaxiibo ahaayeen oo magaceeda lagu sheegay Faaduma Maxamed Xaashi.
©Radio Dalsan