Siyaasiga C/raxmaan Macallim C/llaahi “Baadiyow†oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Xisbiga Midnimo Qaran ayaa dhaliilay qaabkii uu Madaxweynaha Dowladda Federalka u abaaray sidii uu Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan ugu qancin lahaa inay ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Prof. Baadiyow oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha inuu kala qeybinayo, isla markaana uu khilaaf ka dhex abuurayo Odayaasha Reer Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wareysiga C/raxmaan Baadiyow ka dhegeysta halkan, iyadoo uu Weriye C/waxiid C/llaahi Daahir qaaday Wareysigaasi.