Axmed Ibrahim oo ah Qaxooti Somali ku nool Maraykanka  ayaa lagu xukumay xabsi 12 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu dilay gabar uu dhalatay oo 8 bilood jir ahayd oo lagu magacaabi jirey Nawaal Axmed Ibrahim.
Ninkaasi oo ah Aabe saddex carruur leh, kana yimid magaalladda Seattle ayaa lagu helay inuu bishii November 10-dii ee sannadkii 2014-kii dilay gabadhiisa, isagoo ku garaacay Aallad laga hago Qalabka lagu ciyaaro PlayStationka ee loo yaqaano Xbox Controller.
Ninkaasi ayaa la sheegay inuu qabo xanuun dhimaca Dhimirka , isla markaana uu aad u isticmaalo Khamriga, wuxuuna Maxkamaddu ka hor sheegay inuusan la soconin inuu gabadhiisa dilay.
Xaaskiisa oo shaqaale ka ah Garoonka Diyaaradaha ee Seattle Airport oo habeenkaasi shaqo lahayd waxay markii ay tegtay gurigeeda oo ku yaalla magaalladda Washington aragtay gabadheeda yar ee Nawaal oo geeriyootay, kana muuqdaan dhaawacyo.
Dukumentiyo la hor keenay Maxkamadda Seattle ayaa muujiyey inay Baarayaasha Caafimaadka heleen dhaawacyo madaxa iyo jirka kale o oka muuqday gabadha yar ee Nawaal ee la dilay.
Xukunka 12-ka sanno ee lagu xukumay Aabahaasi 29-jirka ah, waxa kale oo uu Garsooruhu ka mamnuucay inuusan abidkiisa inta uu nool yahay aanu wax xiriir ah la samayn karin  Labadiisa gabdhood ee ka badbaaday Horornimadiisa.
©Radio Dalsan