Ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Maxamedsha Zayinu ayaa hadalkaasi ku sheegay Hadal Qoraal oo ay AMISOM soo saareen, kadib, markii ay Wafdi ka socday AMISOM dhawaan booqdeen Degmooyinka Biya Cadde iyo Ceel-baraf ee Gobalka Sh/dhexe oo dhawaan lagala wareegay Alshabaab.
Waxa uu ugu baaqay Ciiddanka AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda Federalka inay xoojiyaan Iskaashigooda si looga guuleysto Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Γ’β¬ΕAlshabaab haatan wey tabar dareeyeen, mana awoodi karaan inay dagaal toos ah la galaan AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda FederalkaΓ’β¬Β ayaa lagu yiri Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Taliska AMISOM.
Ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Maxamedsha Zayinu waxa uu carrabka ku dhuftay in Jadwalka Shaqo ee AMISOM tahay sidii ay Dadka Soomaalida uga xoreyn lahaayeen Cabsida Alshabaab, loo abuuri lahaa Nabad iyo Deganaansho iyo in albaabadda loo furo Dadka Soomaalida ee Nabadda JecelΓ’β¬Β ayuu yiri Sarkaalkaasi oo soo dhaweeyey Isbedelka Nololeedka ee ka muuqda dadka ku nool Degmooyinka Ceel-baraf iyo Biyo-cadde.
Ciiddanka Dowladda Federalka iyo Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa haatan ku sugan Degmooyinkaasi oo ay bishii hore kala wareegeen Alshabaab oo iyagu sannooyin badan joogay Degmooyinkaasi
ΓΒ©Radio Dalsan