Kaddib sanado xasillooni laβaan ah, Somalia waxay weli muquuranaysaa khilaafaad, iyadoo ay culays ku hayaan weerarro ay ka dambeeyaan kooxaha gaysta cunfi xag-jirnimo ku salaysan sida kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Alqaacida.
Horjoogayaasha kooxda xajirka ah ee Al-Shabaab ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku marin habaabiya ficilada gurracan ee xag-jirnimada ku salaysan, si ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan shacabka aan waxba galabsan ee kunool gudaha dalka.
Kooxda arxanka darran ee Al-Shabaab ayaa waxay u adeegsataa dadka, isla markaana ku saameeyaan qorshayaal isugu jira caqiido gelin xag-jir ah, ka been sheegida diinta suuban iyo manaahij ay ugu tala galeen inay ku qaldaan daβyarta.
Falalka argagixisada iyo xag-jirnimada waa kuwo ka jira magaalooyinka ay maamulan kooxda, waxaana dhacda in mararka qaarkood dadweynaha isugu keenaan goobo fagaare ah, si uga dhaadhiciyaan afkaartooda gurracan.
Sidoo kooxda ayaa u bareertay dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu weyn ee maanta ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan cududeena iskugu geyno.
Si kastaba, kooxdan qowleysatada ahi ay marar badan qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen.
Waxaa qortey weriye Ikraan Cali Xaashi