Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si rasmi ah u saxiixay Sharciga Naafada ee Koonfur Galbeed, taasoo tallaabo muhiim ah u ah horumarinta xuquuqda dadka naafada ah iyo xoojinta daryeelka ay u helaan bulshada.
Sharcigan waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo ay ka qayb qaateen xubno muhiim ah oo ka tirsan dowladda iyo ururo caalami ah.
Munaasabadda saxiixa sharciga ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaal waaweyn oo loogu talagalay in dadka naafada ah ay helaan xuquuqdooda, fursado siman, iyo taageero dhameystiran.
Saxiixa sharcigan ayaa ka dhacay munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka, Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiska Xuquuqul Insaanka.
Laftagareen ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii dadka naafada ah loogu xaqiijin lahaa xuquuqooda aasaasiga ah, isla markaana looga qaybgelin lahaa nolosha bulshada si buuxda.