Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan garabka Al-Qaacida ee Suuriya kadib duqayn xagga cirka ah oo Khamiistii ka dhacday waqooyi-galbeed dalka Suuriya.
Deegaankaasi ayaa ahaa goob ay si wayn ugu xoogganayd kooxda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ee uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed al-Sharaa ka hor intii aysan hoggaamin gulufkii fallaagada ee xukunka ka tuuray Bashaar al-Asad bishii Diseembar ee sanadkii tegey.
“Ciidamada Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa fuliyay duqayn cirka ah oo bartilmaameedkeedu ahaa mid qeexan oo ka dhacday waqooyi-galbeed Suuriya, iyagoo beegsaday oo dilay Maxamed Saalax al-Zabir, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ururka argagixisada ee Xurraas al-Diin, oo xiriir la leh Al-Qaacida,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay CENTCOM.
Hay’adda la socodka dagaallada ee fadhigeedu yahay dalka Britain ee loo yaqaan Syrian Observatory for Human Rights ayaa sheegtay in Zabir uu ku geeriyooday markii gaari uu la socday oo marayay wadada isku xirta Sarmada iyo Idlib ay gantaal ku dhufatay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo Maraykanku leeyahay.
Duqaynta Maraykanka ayaa timid maalmo uun kadib markii Xurraas al-Diin ay shaaciyeen inay is-kala direen, iyagoo fulinaya amarro uga yimid madaxweynaha ku-meel-gaarka ah.
Hay’adda Observatory ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin “ay ku dhawaaqeen inay is-kala direen si aysan ugu lug yeelan isku dhac hubeysan oo ay la galaan HTS.”
Jabhaddii Sharaa ayaa ahayd garabkii Al-Qaacida u qaabilsanaa Suuriya illaa ay xiriirka u jartay shabakadda jihaad-doonka ah sannadkii 2016-kii.