Khubaro ayaa ka digaya in taageerayaasha kooxaha isku haya Itoobiya ay faaโiideysanayaan teknoolojiyad casri ah iyo aqoon-darro dhanka warbaahinta ah, si ay u faafiyaan warar been abuur ah oo kicinaya xanafta u dhaxaysa qowmiyadaha, arrinkaas oo khatar gelinaya in ay qarxaan rabshado hor leh.
Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, lehna 120 milyan oo qof, ayaa waxaa ka jira kala qaybsanaan siyaasadeed oo aad u qotodheer iyo qowmiyado aad u tiro badan oo kala duwan, kuwaas oo sababay colaado gudaha ah oo tobanaan sano socday.
Xaaladdaas ayaa si fudud u sahlaysa faafinta wararka beenta ah ee 36-ka milyan ee qof ee isticmaala baraha bulshada ee Itoobiya. Qeybta hubinta wararka ee wakaaladda wararka AFP, oo loo yaqaan AFP Fact Check ayaa beenisay muuqaallo badan oo la farsameeyay bilihii u dambeeyay.
Muuqaalladaas waxaa ka mid ahaa khudbado si qaldan loo farsameeyay oo uu jeediyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo war been abuur ah oo sheegayay in hoggaamiye jabhadeed uu dhintay.