Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda oo dhaawac ka soo gaaray hawlgalka ka dhanka ah ururka Daacish.
Sarkaalka dhaawacmay, oo xaaladdiisu aad u liidato, ayaa loo qaaday dalka dibedda si loo daryeelo caafimaadkiisa, waxaana la xaqiijiyey in xaaladdiisa ay tahay mid culus. Madaxweynuhu, oo ku sugan Boosaaso, ayaa warbixin ka siiyey xaaladda dhaawaca sarkaalkan iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee la siiyay ciidamada Puntland.
Sidoo kale, saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si wadajir ah ugu muujiyey taageero xooggan ciidamada Puntland, kuwaas oo si geesinimo leh uga qeyb qaadanaya hawlgallada amniga ee ka socda gobolka.
Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ciidamada ku shahiiday hawlgallada, iyagoo Allaah uga baryay in dhaawacyada kale uu si degdeg ah uga bogsado.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidanka inay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Daacish, oo ka socda gobolka Bari, isla markaana ay xoogga saaraan in la ciribtiro Daacish..
Dhinaca kale, Puntland waxay dhistay Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Hawlgalka, oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha, si ay uga jawaabaan baahiyaha caafimaad iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee ay u baahan yihiin ciidamada dhaawacmay.
Guddigan ayaa sidoo kale mas’uul ka noqon doona taageerada iyo daryeelka guud ee ciidamada ka qeyb qaadanaya hawlgallada socda.
Ciidamada Puntland ayaa dhowaanahaan ku jiray hawlgallo adag oo ka dhacay Buuraleyda Gobolka Bari, iyagoo guulo waa weyn ka gaaray howlgalladaas. Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyey ciidanka oo ku sifoobay geesinimo iyo u heellan inay difaacaan dhulka Puntland iyo shacabka.