Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta galay maalintii labaad ee booqashadiisa dalka Itoobiya, kadib casuumaadii uu u fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. Kulankan ayaa noqonaya mid lagu sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dowladood, iyadoo si gaar ah looga wada hadli doono hirgalinta baaqii Ankara ee dhinacyada amniga iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Shalay, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxay yeesheen kulan laba geesey ah, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo labada dal ay si wadajir ah uga shaqeynayaan. Mid ka mid ah mowduucyada ugu muhiimsan ee laga hadli doono waa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ay labada dhinac ka wada shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu maanta booqdo goobaha taariikhiga ah ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku tegi doono dhowr meelood oo muhiim ah. Booqashadaasi ayaa ka mid ah qorshayaasha dhismaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.