Wararka goordhaweyd soo baxay ayaa xaqiijiyay geerida Alle ha u naxariistee Farxiya, oo ahayd xaaska fannaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe. Marxuumadda ayaa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay la xanuunsanayd, taasoo ugu dambeyn keentay geerideeda murugada leh.
Farxiya, oo baraha bulshada ku isticmaali jirtay magaca Farxiya The Bosladdy, waxay ahayd qof si weyn looga yaqaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerayaasha nolosha faneed ee Dayax Dalnuurshe.
Geerideeda ayaa baraha bulshada qabsatay, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka muujiyeen tiiraanyo iyo murugo qoto dheer.
Geerida Farxiya waxay ahayd mid gilgishay quluubta Soomaalida oo dhan, maadaama ay ahayd shaqsi bulshada dhexdeeda ka dhalisay jacayl iyo ixtiraam. Waxaa si ballaaran baraha bulshada loogu wadaagay tacsi iyo duco loogu duceynayo marxuumadda, iyadoo loo rajeeyay in Jannadii Firdows ay hoygeeda ka noqoto.
Dayax Dalnuurshe, oo ah fanaan caan ka ah fanka Soomaaliyeed, ayaa xidhiidh gaar ah la lahaa xaaskiisa Farxiya, taasoo dadka Soomaaliyeed u arkayeen lammaane ku dayasho mudan.
`