Wasiirkii Batroolka ee Xilka Laga qaaday ayaa faah fahin ka bixiyay sabaha keenay Xil ka qaadistiisa, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa caddeeyay sababihii uu xilkiisa ku waayay ay tahay kala aragto duwanaan.
Waxaa qoraal uu soo saaray u uku sheegay Madaxda federaalka ay isku fahmi waayeen sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan Maamulka Hirshabelle.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ku saabsan arimaha shidaalka ee soo kala dhexgalay madaxweynaha dowlada Federaalka ah iyo Wasiirkiisii hore.
“Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele” ayu uku jiri qoraal uu soo saaaray.
Tabashooyinka ay qabaan Reer Hiiraan ayuu sheegay inay sii xoogaysteen waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.
“Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe. Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub” ayuu ku yiri Qoraal u uku faah faaiyay sababaha keenay in Xilka laga qaaday.
Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.