Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay ka taageeri doonto Itoobiya sidii ay u heli lahayd marin badeed, taas oo u suurtagelin doonta joogitaan rasmi ah oo ciidanka badda Itoobiya ay uga howlgalayaan Badda Cas.
Macron ayaa ballanqaaday taageero dhanka milateriga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda ah oo uu siin doono Itoobiya, isaga oo sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay hesho marin badeed si ay uga faa’iideysato goobaha istiraatiijiga ah ee gobolka. Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah yeeshay tan iyo xalay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal iyo doorka Faransiiska ee horumarinta dhaqaalaha iyo amniga Itoobiya.
Hase ahaatee, taageerada uu Macron u muujiyay Itoobiya ayaa kusoo beegmaysa xilli horay loogu eedeeyay in uu taageeray faragalinta Itoobiya ee Qaramada Midoobay, kadib markii uu ka gaabsaday cambaareynta xadgudubyada ay ku eedeysneyd dowladdan.
Waxaa la arki doonaa sida ay qorshahan cusub u saamayn doono xiriirka Itoobiya iyo dalalka gobolka, iyadoo ay jiraan walaacyo ku aaddan xaaladda geeska Afrika.