Goordhaw, waxaa si rasmi ah loo daahfuri doonaa Muqdishada Cusub, oo ah mashruuc cusub oo weyn oo laga hirgalinayo Waqooyiga Caasimadda Muqdisho. Degaanka cusub waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo mid casri ah, oo la jaan qaadaya horumarka iyo baahida bulshada ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dhisi doonaa qaab aan horay looga arag dalka.
Qabanqaabada xafladda daahfurka ayaa si weyn uga socota magaalada, waxaana ka qayb galaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo la filayo inay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inay goordhaw tagaan munaasabadda lagula daahfuraayo Muqdishada Cusub, iyagoo ka qayb qaadan doona xafladda muhiimka ah ee ka dhacaysa degaankan cusub.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay in ka badan 300 oo ganacsato Soomaaliyeed ah, kuwaas oo soo gaari doona magaalada si ay uga qayb qaataan daahfurka iyo qorsheyaasha cusub ee ku aaddan horumarinta magaalada.
Muqdishada Cusub ayaa waxaa lagu casriyeeyn doonaa dhammaan kaabayaasha lagama maarmaanka u ah horumarka iyo amniga, sida deked cusub, garoon diyaaradeed, goobo waxbarasho, iyo dhammaan adeegyada muhiimka ah ee ka caawinaya dadka iyo ganacsatada ku nool deegaankaas.
Degaanka cusub wuxuu sidoo kale ka koobnaan doonaa xarumaha caafimaadka iyo xarumaha shaqada, si loo hubiyo in bulshada ku nool ay helaan adeegyo tayo sare leh.
Mashruucan waa mid aad u ballaaran oo la filayo inuu noqdo midka ugu quruxda badan ee la dhiso, iyadoo lagu dadaali doono in degaanka uu noqdo mid la jaanqaadi kara nidaamka casriga ee magaalada, isla markaana ay ka turjumeyso horumarka Soomaaliya.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka ee Muqdishada Cusub, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu ka qayb qaato mashruucan weyn, wuxuuna tilmaamay in Muqdishada Cusub ay ka tarjumeyso isbeddelada waaweyn ee dalka.
Muqdishada Cusub waxay sidoo kale noqon doontaa isha fursado ganacsi iyo shaqo oo cusub, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonaan fursadaha ka dhashay horumarka cusub ee magaalada.