Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo gabagaboobay. Xiritaanka kalfadhigan waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo sheegay in kalfadhigani uu dhamaaday, islamarkaana fasax la gelayo.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ku faahfaahiyay warqad uu soo saaray, taasoo muujineysa in xubnaha Aqalka Sare ay kala qaadeen shaqooyinkooda, isla markaana uu bilowday fasaxa rasmiga ah. Fasaxan ayaa la qorsheeyay inuu socdo illaa 2-da bisha Febraayo 2025, taasoo ah markii xildhibaanada Aqalka Sare ay dib ugu soo laaban doonaan kulamada Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha fasaxa dheer ee kalfadhigan, isagoo sheegay in fasaxa guud ahaan uu ahaa mid qorshaysan oo ku saabsan bilaha 11-aad ee sanadka.
Si kastaba ha ahaatee, Codsi ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loo ogolaaday inuu kordhiyo fasaxa muddo hal bil ah, taasoo sababtay in kalfadhigu soo gabagaboobo kadib muddo dheer oo uu socday.
Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ayaa ahaa mid muhiim ah, iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka dooday arrimo muhiim ah oo la xiriira dhaqaalaha, ammaanka, iyo isbeddelada siyaasadeed ee dalka. Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sidoo kale soo jeediyay talooyin iyo sharciyo cusub oo la xiriira horumarinta nidaamka federaalka iyo xoojinta dastuurka dalka.