Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha laga bilaabo Axadda maanta ah, si loo yareeyo saameynta ay bacuhu ku yeesheen deegaanka iyo badqabka bulshada.
Amarkan cusub wuxuu qeyb ka yahay dadaalka dowladda ee lagu xakameynayo isticmaalka bacaha, iyadoo Taliska Boolisku caddeeyay in cid kasta oo amarkan jabisa la marsiin doono tallaabo sharci ah.
Waxaana lagu wargeliyay ganacsatada, dadweynaha iyo hay’adaha kala duwan in ay u hoggaansamaan amarka, maadaama kormeero joogto ah lagu sameyn doono meelo badan oo dalka ka mid ah.
Sidoo kale, Taliska Booliska ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo ay ka sameeyeen magaalooyin kala duwan, kuwaas oo lagu soo qabtay dad lagu eedeeyay in ay jabiyeen amar horay loo soo saaray oo ka mamnuucayay ku dabaaldegista rasaasta.
Dadkan la qabtay ayaa la sheegay in ay fuliyeen falal rasaas ridis ah intii lagu jiray munaasabadaha dabaaldegyo, taas oo sababi karta khatar nafeed iyo dhibaatooyin kale oo ka dhan ah ammaanka dadweynaha.
Taliska Booliska wuxuu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono dadka ku kacaya falalkan, si loo adkeeyo amniga iyo nabadda guud ahaan dalka, gaar ahaan xilliyada loo dabaaldego munaasabadaha muhiimka ah. Wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka khatarta leh.