Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa guddoomiyay Shirka Wasiirrada Isbahaysiga Caalamiga ah ee la-dagaallanka ISIS, oo ka dhacay magaalada Washington DC. Shirkan muhiimka ah waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar, oo matalayay dalka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo kooxda ISIS ay tahay bartilmaameedka ugu weyn ee isbahaysigan. Isbahaysiga oo ka kooban 87 waddan ayaa go’aansaday in la xoojiyo hawlgalada caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, iyadoo la isla qaatay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo taageerada dhinacyada amniga ee waddamada la dagaallamaya kooxahan xagjirka ah.
Mudane Cali Cumar ayaa intii uu shirkan socday muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la-dagaallanka  AS iyo ISIS, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la isku duwo dadaallada caalamiga ah si looga adkaado kooxaha sida ISIS.
Shirkan ayaa muujinaya sida ay waddamada caalamka uga go’an tahay in la sii wado dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeeraan argagixisada, iyadoo la ballan qaaday in la kordhin doono taageerada dhaqaale iyo midda tababarka si loo xakameeyo halista ka imaaneysa kooxaha xagjirka ah.