Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Axmed Maxamed Cumar, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada ugu jirto joojinta isticmaalka bacaha hal mar la isticmaalo, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya deegaanka iyo caafimaadka bulshada.
Wasaaradda ayaa warbixin ka siisay Duqa Muqdisho halka uu marayo olole ballaaran oo lagu xakameynayo bacaha, iyagoo iftiimiyay halista ay bacahaasi ku hayaan deegaanka, bilicda magaalada, iyo xaaladaha caafimaad ee ka dhasha isticmaalka bacahaas, oo si gaar ah u waxyeelleeya caafimaadka dadweynaha. Bacaha hal mar la isticmaalo ayaa si aan habboonayn looga tuuraa magaalada, taas oo keenta wasakhowga deegaanka iyo xayndaabka bilicda caasimadda.
Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale, ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada, isagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay caafimaadka iyo badbaadada deegaanka caasimadda. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Maamulka Gobolka Banaadir diyaar u yahay inuu kaalin mug leh ka qaato hirgelinta qorshaha lagu joojinayo isticmaalka bacaha hal mar la isticmaalo, si loo ilaaliyo bilicda iyo badqabka deegaanka Muqdisho. Howshaas ayaa qeyb ka noqon doonta dadaallada dowladdu ku doonayso inay hagaajiso nadiifnimada iyo caafimaadka caasimadda.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-