Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland.
Kulanka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, dib-u-habeynta Ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Amniga iyo bulshada.
Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Puntland.